Opinion: Saxaafada Madaxa banaab ee Somaliland oo ku ciyaaraysa Kasloonidii Dhexdhexaadnimo

Waxa mudadii ay Somaliland jirtay caan noqday oo aynu maalin kasta ka maqalaa ama akhrisanaa warbaahinta madaxa banaan ee kala duwan warbixino iyo faalooyin ku saabsan awooda ay dawladu ama madaxda dawladu sida khaldan ugu isticmaalaan shicibka aan lahayn awood dawladeed ama aan ka tirsanayn dawlada.

Arrinkaasi waxa aad moodaa in uu beryahan danbe si xawli ah ku socdo oo aad arkayso subax kasta ama saacad kasta araa ama warbixin dhaleecaynaysa sida ay u maamulaan awooda dawladnimo marka ay noqoto u isticmaalida shicibka iyo arimo kaleba.

Waxaan aaminsanahay haddii ay ka daacad tahay kuwa gudbinaya fikirkan waa arin sax ah oo ay ku talaabsadeen maadaama ay dimoqraadiyada ka mid tahay in ay saxaafada xor tahay sidoo kalena ay sheegi karaan khaladaadka dawlada taasoo aanay dawladu cabudhin Karin.

Sidaas darteed waxaynu aragnaa in ay saxaafadii heshay ama leedahay xoriyad aan si dhib yar loo cabudhin Karin ama lagala noqon Karin. balse waxa is waydiin leh arimo dhowr ah:

Shayga koowaad waa intee in leeg ayay saxaafadu daacad ka tahay sheegida arimahan. Taa macnaheedu waxa weeye ma iyaga oo u jeeda in ay difaacaan xuquuqda muwaadiniinta aan dawlada ahayn ayay sidan u samayeeyaan?, mise arimo siyaasadeed (mucaaridnimo) iyo qabyaaladeed ayay u sheegaan khaladaadka?,

Shayga labaad ee iswaydiinta leh waa: garanay oo dawladii markay dadkii ku khaldanto waatan oo markiiba bogga hore ayay ku daabacan yihiine, haddii shicibku ku khaldamo dawlada miyaanay ahayn in saxaafadu si tartiib u fahansiiso shacabka kaalintooda aanay buuxin ee ah in aanay ku dhicdhicin dawlada?

Labaadaas arimood iyo qaar kale ayaa waxa ay yihiin waxa ugu yare e layska waydiin karo marka ay noqoto saxaafada iyo dawlada dhaleecaynteeda. Waxa kale oo iisoo raaca oo iyana muhiim ah arin saddexaad oo ah: saxaafadu ma og tahay in arimaha qaar ay baahiyaan ay waxyeelo u gaysan karaan sharafta dadka dawlada xilka ka haya iyo amniga qaranka oo markaas ma arkaan aragti fog oo ah in ay dhibaato abuuri karaan? Su’aashaas waxaan u dhaafayaa akhristaha in uu isagu ka jawaabo.

Waxa aan kusoo gunaandadayaa fikirkayga haddii saxaafadu ay ka gudubto xariiqa cagaaran ama ay ka dhawaajiso birma-geydooyin khatar ku ah waxyaabaha aynu hore uga hadalay, kuwaas oo abuuri kara in ay dadweynahu iska hor yimaadaan, waxa dhici doonta in ay lumin doonaan kalsoonida dadku ku qabaan.

Abdirisak Mohamed Warsame.. is the Somaliland Monitor-blog (caadleef.wordpress.com) Director/Editor. He is also a junior Political Analyst of Somaliland and World affairs Especially the Horn and Middle-east. He writes opinion and News articles about Somaliland and other world trends in this Blog and other Media Channels and He is a 17 years expert on Somaliland Human Right and Mental Health Resource Person. You can also reach him with his personal Email: caadleef@hotmail.com

Faallo u dhaaf